"ref_"; Skip to main content

hooyo ka digtownow intaa ilmaha jaqsiinayso cunoo yinkaan

Cuntooyin Ay Tahay Inay Ka Fogaato Hooyada Ilmaha Naaska Nuujisa

hooyada ilmaha naaska nuujisa
Sida ay marar kala duwan xaqiijiyaan dhakhaatiirta iyo cilmibaadhisaha kala duwan ee caafimaadku, waxaa jira cuntooyin iyo dawooyin aan qaadashadooda loo ogolayn hooyada ilmuhu jaqo, sababtuna ay tahay mid la xidhiidha xaalado caafimaad darro oo ilmaha ay jaqsiinayso gaadha, sida xasaasiyadda iwm, ama saamayn ku yeesha caanaha naaska oo ay dhici karto in ay yaraadaan ama uu gudho. Haddaba qormadan waxaan ku soo qaadanaynaa qaar ka mid ah cuntooyinka ay khubarada caafimaadku sheegeen in cunistoodu aanay u fiicnayn dumarka carruurtu jaqdo, waxa aanu ka soo xiganay majaladda arrimaha bulshada ka faalloota ee Sayidatii.
1. Kalluunka: Noociisa Libaax badeedka iyo noocyo kale oo ka mid ahba waxaa jidhkooda u tallaaba maadadda Mercury oo ka soo raacda badda ay ku dhex nool yihiin, waxaana caafimaad ahaan la og yahay in maadaddani haddii ay jidhka ku badato aanay u fiicnayn guud ahaanba caafimaadka aadamaha. Haddaba haddii ay hooyada ilmuhu jaqaa ay kalluunka cunto waxaa imanaysa cabsida ah in maadaddani ay jidhkeeda u gudubto, taas oo ilmahana u raacaysa caanaha uu hooyadii ka nuugo, jidhkiisuna uma adkaysan karo xaddi kasta oo maadaddan Mercury ah.
Si kastaba ha ahaato ee khuabrada caafimaadku hooyada uma ay diidin in ay cunto cuntooyinka kale ee badda, sida kalluunka Solomoonka iyo Shirinbiska.
2. Cuntooyinka Gaasta leh (Naqaska keena): Waxaa ka mid ah khudaarta keenta kaasta, sida busbaaska, iyo kaabashka, waxa aanay khubaradu aaminsan yihiin in cuntadani ay sida qofka cunay oo kale ilmuhuna uu hooyadii ka jaqayo oo ay ku keenayso naqas (Gaas).
3. Cabbitaannada leh maadadda Caffeine: Sida cabbitaannada leh maadadda Caffeine ay qofka ugu keenaan firfircooni dheeraad ah, iyo tamar sababta in aanu hurdo dareemin, ayaa ilmaha hooyada jaqayana ay ugu gudbaysaa oo ay xaaladahaas oo kale ku keenaysaa. Caffeine waxa ay ku jirtaa Shaaha, bunka iyo cabbitaannada la sameeyo qaarkood, waxa aanay dhakhtarradu hooyada kula talinayaan in ay iska ilaaliso inta ay ilmaha jaqsiinayso, si aanay khalkhal ugu keenin jadwalka hurdo ee ilmaha.
4. Toonta: In kasta oo ay toontu dawo dhaqameed guun ah tahay, cuntada lagu sameeyana dhadhan iyo ur fiican siiso, haddana baadhitaanno caafimaad ayaa xaqiijinaya in carruurta qaar ay si adag u diidaan naaska hooyada, haddii ay ka dhadhamiyaan toonta, arrintaas oo aan caafimaad ahaan u fiicnayn carruurta. Waxa aanay ku talinayaan in haddii ay lagama maarmaan noqoto ay hooyadu ugu yaraan laba ama saddex saacadood u dhexeysiiso cunista toonta iyo naas-nuujinta ilmaha.
5. Liinta: Noocyada kala duwan ee Liinta, sida liin macaanta, liin dhanaanta iyo Liin Baydariinta waxaa ku jira maaddooyin ay khubarada caafimaadku sheegeen in ay ilmaha aadka u yar ay ku keeni karaan xasaasiyad, sida maqaarka oo boogo yeesha iyo calool olol. Sidaa awgeed maadaama oo uu ilmuhu maaddooyinkan ka jiqi karo caanaha hooyadii, waxa ay khubaradu ku talinayaan in hooyadu muddada ilmuhu jaqayo aanay cunin liinta.
Ugu dambayntiina hooyo kasta waxa ay kula talinayaan in ay dhakhtar takhasus ah kala tashato cuntooyinka ku munaasabka ah in ay cunto xilliga ilmuhu jaqayo.

Popular posts from this blog

dhagayaraha iyo faaidadiisa

DHAGA YARE Dhagayaraha waa ubax qalalan oo ka baxo geedka loo yaqaanno “cloves” waana miro aad u leh Faa’idooyin cunno iyo caafimaadba, wadanka ugu badan dunida uu ka baxo waa Zanzibar, hindya iyo shiinaha waxay adeegsan jireen dhag yaraha 2000 sano ka hor. Hadii aan u gudbo faa’idada cunno dhagayaraha waxaa ku jiro protein, iron, calcium, potassium, Sodium, Vitamins: Sida A iyo C, dhagayaraha waa xanuun baabi’iya oo aad u fiican waxaana lo adeegsadaa daawaynta ilkaha iyado la adeegsanayo saliidisa waxaana ku jirta maadada la yiraahdo“eugenol oil” waxaana laga sameeyaa daawada lagu cadaysto iyo midda lagu luqluqado. Sidoo kale waxay daawo u tahay romatiisamka iyo riixada iyadoo la marsado xubnaha ku xanuunayo, hadii la qiiqsado oo biyo kulul lagu daro waxaa lagu daaweeyaa, sanboorka iyo neefta, waxay kaloo faa’ido u leedahay in bakteeriyada ay disho waxaa lagu nadiifiyaa nabraha, dhaawacyada iyo (fungus) galo faraha lugaha dhexdooda. Faa’idada kale waxaa ka mid ah in lagu...

Timiirta iyo faaidadeeda caafimaad

Timirta iyo cafimaadka ku jira a Rabbi(SWT) iyo Sunnada Nabigaba (SCW) lagu xusay. Waxaa Nabigga (SCW) laga wariyey isagoo tilmaamaya wanaaga ay timirtu leedahay in uu yidhi: “(قال رسول الله صلى الله عليه وسلم ( بيت لاتمر فيه جياع أهله ” Oo macneheedu yahay; guri aanan timir oolin waa guri reerkiisu baahanyahay. Xasiiskaa qiimaha badan waxa uu inoo sheegayaa wanaaga ay timirtu leedahay. Waa laga yaaba inataad istidhaahdid timirtu cunto maaha ee wax macaan ee waayo bay guriga ay timir oolin guri baahan u yahay? Balse waxaad fahmi doontaa wanaaga kujira marka aad akhrisatid sida hoos ku dhigan iyo waliba cudurada ay dawayso. Markaad taa fahantid adaa inshaAllah wax walba ku doorsan doona. Muhiimada Ay timirtu leedahay: Timirtu waa miro qof uu kunoolaan karo kaligood, ayadoo uu qofku kaheli karo nafaqo dhameystiran hadana isku dheelitiran. Kuwaasoo hadaadan cunin ama helin cunooyinka kale ey ku kaafin karaan. Faa’iidooyinka lagu she...

qaab noocee ah ayaad jirkaga uladhaqantaa xiliga qurxiyo iyo nafaqaynta siiba wajiga

Sidaynu ognahay wajiga banii aadamka wuu ka jilicsan yahay jirka intiisa kale haba ugu horeeyaan dumarka, waayo wajiga wa jir markasta wax la mariyo siiba dumarka, haddaba waxaa jirta in wajigu qaato jeermiska iyo wasakh da ugu badan kuwaas oo ka soo raaca gacmaha iyo hawada Tusaale ahaan sida caadada inoo ah Soomaalida siiba dumarku waxay ku meyrtaan wajiga saabuun ama (shower Gel) kadib qofka waxa uu u heystaa in ay intaa kaga dhamaatay meyristii wajiga haddii qofka waqtiga uu qubeysanayo uu na meyrayo jirkiisa oo dhan ee uu ka soo baxayo baafka uu sameeyo si uu u ogaado wasakhada iyo jeermis ka wajigiisa ku harsan waa in uu soo qaato suuf (cotton pads) wuxuu ku shubayaa biyo yar oo milix leh, ama liin dhanaan wuxuuna ku xoqayaa wajiga waxuu arkayaa suufkii oo noqday yeeshay midabka bunniga kana tagay cadaankii waxaasina waa (dead dirty skin cells) oo ay la socdaan wasakh iyo jeermi. Had iyo jeer waxaa aad u haboon in marka aad wajiga taabaneyso dumar iyo rag ba marka hore waa in aa...