"ref_"; Skip to main content

digniin waalid (8qalad oo ay waalidiintu ku dhacaaan)

Qaladaad Si Sahlan U Dhaca Oo Sun Ka Dhigi Kara Dawada Aad Ilmahaaga Caafimaad Ahaan U Siinayso

qaladaadka waalidiinta dawada ilmahaCaadi ahaan dawadu waa saaxiibka koowaad ee ruux kasta oo buka ama qof uu jecel yahay ka bukaa kula dadaalo in uu caafimaad ka raadiyo, laakiin in badan oo innaga mid ah ayaa aan dhaadsanayn in ay jiraan khaladaad marka ay dhacayaan qofka falaya iyo dadka ku xeeran oo xitaa mararka qaarkood dhakhtarku ku jiraa aanay sharaysan oo dhaca marka ilmuhu dawada qaadanayo. Qormadan maanta waxa aynu ku eegaynaa qaar ka mid ah qaladaadkaas dillaaga ah ee laga yaabo in ay s fudud u dhacaan xilliga ilmuhu dawada qaadanayo.
1. Qiyaasta dawada: Iska jir in aad qiyaas go’an oo dawada ah siin weydo ilmahaaga. Intii uu dhakhtarku kuu soo qoray oo aad ka badiso ama ka yaraysaa waxa ay dawada u beddeli kartaa sun disha ilmaha.
2. Halbeeg isku mid ah: Inta badan waxaa dhacda in dawada cabbitaanka ah waalidku ku qiyaasto malqacadda cuntada, waxase la ogaaday in malqacadahaasi ay kala qiyaas duwan yihiin, oo labada isku midka ahi kala qaad weynaan karaan, taasina sida aynu kor ku soo sheegnay waxa ay sababi kartaa dhimasho. Sidaa awgeed ku dadaal in aad isticmaasho malqacadda la socota dawada shorobada ah, haddii kale shiriis aad ka taxaddarto halka aad joojinayso ama malqacad aanad bed-beddelin ee mid keliya aad isticmaasho inta dawadu socoto.
3. Miisaanka ilmaha: Mar kasta xasuusnoow in miisaanka ilmuhu uu da’diisa ka muhiimsan yahay marka laga hadlayo qiyaasta dawo ee la siinayo, sidaa awgeed ay dhacayso in laba carruur ah oo isku da’ ahi ay dawada ka qaataan laba xaddii oo kala duwan. Waxa ay taasi qasab ka dhigaysaa in dawada aanad iska iibsan ee aad dhakhtar ula tagto, isla markaana ku baraarujiso in uu miisaanka ilmaha ogaado, si uu u garto qiyaasta uu dawada ka qaadanayo.
4. Dawada carruurta ha wadaajin: Waa ay dhacdaa in waalidku laba carruur ah oo isku si loo hayo uu wadaajiyo dawo midkood loo soo qoray. Weligaa iska jir in aad tallaabo noocaas ah ku dhiirrato, xitaa haddii aad is leedahay waa aad hubtaa in labada carruur ah isku si loo hayo. Waayo muhiimaddu ma’aha cudurka isku midka ah ee wada haya oo keliya ee waxaa meesha ku jira qiyaasta dawada uu ilmo kastaa ka qaadan karo iyo in iyaga oo isku xanuun hayo ay laba dawo jidhkooda ku kala habboonaan karaan.
5. Laba dawo oo isku mid ah hal mar ha wada siinin: Iska jir in aad ilmahaaga siiso laba dawo oo kala duwan balse isku waxtar ah, sida dawada Tylenol iyo dawooyinka kale ee loo isticmaalo durayga ee ay ku jirto maadadda Acetaminophen oo ah xanuun baabi’iye. Mar haddii aanad garan karin maaddooyinka dawadu ka samaysan tahay iyo waxa ay taraan waxaa dhici karta maaddo isku mid ah in aad laba jeer ilmaha siiso adiga oo u haysta laba dawo.
6. Akhri warqadda ku dhex jirta dawada: Waa muhiim in la akhriyo dhammana tilmaamaha iyo amarrada dawada qaadashadeeda iyo waxtarkeeda la xidhiidha ee ku dul qoran dawada ama warqadda ku jirta, u fiirso habka isticmaalka ka hor, tusaale ahaan fiiro u yeelo dawooyinka ay tahay in isticmaalka ilmaha ka hor aad loo lulo, si ay isu dhex gasho, taas oo macnaheedu yahay in dawadani ay kala miirmayso oo maaddooyinkii ku jiray kala hadhayaan ama dhan isu raacayaan. Si aanay dawadu ilmahaaga sun disha ugu noqon, ku dadaal in aad akhrido qoraalka khuseeya isticmaalkeeda ama cid garanaysa la kaashato.
7. Kaydinta dawada: Waxaa waajib ah in dawada aan laga shubin weelka ay ku jirto oo aan weel kale lagu hayn. Sidoo kale waxaa muhiim ah in la eego heer-kulka ay dawadu u adkaysan karto oo inta badan dusha kaga qoran, kadibna laga taxaddaro in la dhigo meel heer-kulkeedu ka sarreeyo ama ka hooseeyo intaas qoran. Si gaar ah waa in aad looga taxaddaro qaabka loo kaydinayo dawada leh maadadda Xadiidka.
Daraasado la sameeyey ayaa lagu ogaaday in qalad ka dhaca qaabka kaydinta, sida heer-kul aan ku habboonayn oo lagu kaydiyo ama weel qaldan oo lagu shubaa ay boqolkiiba 30 sabab u noqoto dhimashada carruurta la siiyo dawadaas, sababo la xidhiidha sumow ku yimid dawada awgood.
8.  Asbiriinka: Iska jir in dawo Asbiriin ah ama dawo ay ku jirto maadadda Asbiriin aad siiso ilmahaaga ka yar 12 bilood. Khubarada caafimaadku waxa ay xaqiijiyeen in Asbriiin uu ilmaha ku keeno cudurka maskaxda iyo beerka ku dhaca ee afka cilmiga lagu yidhaahdo Reye Syndrome.
Cudurka Reye waa cudur dhif ah oo aad u khatar badan, waxa uu abbaaraa maskaxda iyo beerka oo uu labadaba barar iyo ballaadhasho badan ku keeno. Inta badan cudurkani waxa uu ku dhacaa carruurta iyo barbaarta, gaar ahaan waxa uu u soo dhuuntaa marka ay ka sii bogsanayaan caabuq fayras, sida durayga oo kale. Sida ugu fiicani waa in cudurkan goor hore la ogaado si loo yareeyo dhibta uu ku keenayo maskaxda iyo beerka, ilmahana noloshiisa loo badbaadiyo.
Daraasado caafimaad oo marar kala duwan la sameeyey ayaa aad isugu xidhaya dawada Aspirin ama Asbiriin maaddooyinkiisu ku jiraan iyo cudurkan, sidaa awgeed dhakhaatiirtu waxa ay ka digaan in xilliga duraygu carruurta ku dhaco la siiyo Asbiriin ama dawo uu isku-dhiskeeda ka mid yahay

xaquuqda qoraalka qurbenet

Popular posts from this blog

dhagayaraha iyo faaidadiisa

DHAGA YARE Dhagayaraha waa ubax qalalan oo ka baxo geedka loo yaqaanno “cloves” waana miro aad u leh Faa’idooyin cunno iyo caafimaadba, wadanka ugu badan dunida uu ka baxo waa Zanzibar, hindya iyo shiinaha waxay adeegsan jireen dhag yaraha 2000 sano ka hor. Hadii aan u gudbo faa’idada cunno dhagayaraha waxaa ku jiro protein, iron, calcium, potassium, Sodium, Vitamins: Sida A iyo C, dhagayaraha waa xanuun baabi’iya oo aad u fiican waxaana lo adeegsadaa daawaynta ilkaha iyado la adeegsanayo saliidisa waxaana ku jirta maadada la yiraahdo“eugenol oil” waxaana laga sameeyaa daawada lagu cadaysto iyo midda lagu luqluqado. Sidoo kale waxay daawo u tahay romatiisamka iyo riixada iyadoo la marsado xubnaha ku xanuunayo, hadii la qiiqsado oo biyo kulul lagu daro waxaa lagu daaweeyaa, sanboorka iyo neefta, waxay kaloo faa’ido u leedahay in bakteeriyada ay disho waxaa lagu nadiifiyaa nabraha, dhaawacyada iyo (fungus) galo faraha lugaha dhexdooda. Faa’idada kale waxaa ka mid ah in lagu

sharqanta caloosha

ption Shanqarta caloosha laga maqlo waa dabiici, waxaana la maqlaa markii murqaha mindhicirrada ku hareeraysan ay faarujinayaan waxa ku jiro mindhicirka. Badanaa codka ama shanqarta waxaa la maqlaa markii biyo ama hawo badan mindhicirku ku dhex jiraan. Shanqarta caloosha oo la maqlin waxay astaan u tahay qabsin ama mindhicirrada oo xirmo, waxayna dhakhaatiirta badanaa shanqarta ka dhagaystaan caloosha qeybta midig ee hoose si loo ogaado in mindhicirradu furan yihiin. Laakiin su'aashu waxay tahay maxaa keeno shanqarta caloosha ee badan? Haddii dareeruhu ay caloosha iyo mindhicirradu ku bataan ama hawo badan ku aruurto, waxay keentaa shanqar siyaado ah, taasoo ay maqli karaan dadka ku agfadhiyo. Waxay kaloo ku xiran tahay cunnooyinka qofka uu cunay sida cunnada kulul sida basbaaska, toonta, sanjabiilka, basasha iyo cunnada badan oo u baahan in caloosha ay soo dayso dheecaanno badan oo cunnadaas burburiyo. Maxay tahay cudurrada lagu yaqaano shanqarta badan ee caloosha? Shubanka

sabuulka ama galayda maxaa kala socotaa faaidadiisa ama khasaarihiisa

SABUUL GALEEY Sabuul galeey waxa uu kamid yahay waxyaabaha lagu tiriyo qudrada aad iyo aadka u faaido badanthay, waxana loo diyaariyaa sida dubis, huuris iyo daango. Dubis: waaa adigo ku dubo dab dhuxul ama olol. Huuriska: waa adigo ku kariya biyo isagoo sidiisa ah. Daango: waa adigo ku duba dufan sida saliid oo kale.  Sabuulka waxaa laga isticmaalaa caalamka oo idil cunidiisa waxa uu kordhiyaa awooda jirka ama adkaysi uu ka helo qofka, waxana ku jira in badan oo buusho ah taaso loo yaqaano (fibers) oo ka ilaalisa qabsan xanuunka. Sabuulka galay waxa uu dawo u yahay, kilyaha, kaadi haysta iyo kansarka, waxa kale uu hoos u dhigaa cudurka baabasiirka, sabuulka waxaa loo qaataa dheefshiid xumida waxaana ku jira waxyaabaha aadka ugu baahan jirka. Sida: > Niacin and Thiamine oo Vitaminada la’aantoda shaqo samayn Karin, sido kale firfirconi geliso maskaxda iyo neerfaha si dhiiga ugu cusbonaysiyaan. Vitaminda ku jira waxa ka mid ah Vit B, E, A. sido kale macaadinta waxa ka mi