"ref_"; Skip to main content

cudurka afqurunka /mataqaan qof xaladaan kacabanaya fadlan gaarsii










Af-qurunka ama waxa loo yaqaanno
“Halitosis” waa xaalad qofku ka soo
saarayo afkiisa hawo uraysa, taasoo ka
duwan af-urka subaxii lala soo tooso,
kaasoo ku baab’a nadiifinta ilkaha. Af-
qurunka ma laha wax xuduud ah, umana kala soocno dadka da’dooda,
noocooda iyo xaaladooda iyo
dhaqaalaba,
intaa waxaa sii dheer in af-qurunku u
keeno qofka niyad jab aad u daran
taasoo keenaysa in qofku ka fogaado dadka iyo la hadlakoodaba, xitaa uusan u
sheeganin dhibaatadiisa dhakhaatiirta.
Badanaa niyad jabkaan waxay ka
dhalata in dadka qaba af-qurunka aysan
dareemi karin dhibaatada haysata illaa
ay ka ogaadaan dad kale. kadibne ay keenayso in ay ka go’aan bulshahda
kana doorbidaan kalinimada.
Maxaa keeno af-qurunka?
Waxaa loo kala qaadaa sababha keeno
af-qurunka laba qeybood oo kala ah:
1: Caafimaad darro ka baxsan ilkaha. 2:Infekshan ama caabuq ku dhaca
jeebabka sanka iyo afka u dhaxeeyo
(Sinusitis) ama qalad ka jira qaab-
dhismeedka lafta oo qofku ku dhashay.
– Qooman
– Sanbabada oo qofku ka jiranyahay (khaas ahaan cudurrada malax-samayska
ee sanbabada “suppurative lung
diseases)
– Hawlgabka kilyaha (qashinkii kilyaha
jirka ka saari jiray oo hawo ahaan loo
soo saaro sida kaadida “urea”) – Hawlgabka beerka (qashinkii beerka
jirka ka saari jiray oo hawo ahaan loo
soo saaro)
– Cudurada ku dhaca dhiigga
– Sonkorowga
– Xamiitada oo jirata – Kaankaro – Cillad dheefshiid
– Cunnooyinka qaar Caafimaad darro ka
timid ilkaha – Bolol ilkaha ah
– Ciridka oo jirran
– Infekshan ilkaha ah ama carun
– Kaankarada ilkaha ah – Af-qaleelka (daawooyinka iyo
cudurrada qaar ayaa keeno af-qaleelka) –
Daawooyinka sanka lagu dhibciyo
– Xasaasiyada cabburka keento
– Bakteeriyda hawo la’aanta oo ku
badato afka ama sanka. 90% oo ka mid ah waxyaabaha keeno
af-qurunka waxay ka timaadaa
bakteeriyada qurmiska oo afka ku korto,
taasoo ka dhalata cudurrada aan kor ku
soo xusnay.
Daaweeyn la hubo wax tarkeeda kuna siman muddo 45 maalmood ah kala soo
xiriir dhaqaatiirta page kan ka howl
gasha. Mahad sanidiin

Popular posts from this blog

dhagayaraha iyo faaidadiisa

DHAGA YARE Dhagayaraha waa ubax qalalan oo ka baxo geedka loo yaqaanno “cloves” waana miro aad u leh Faa’idooyin cunno iyo caafimaadba, wadanka ugu badan dunida uu ka baxo waa Zanzibar, hindya iyo shiinaha waxay adeegsan jireen dhag yaraha 2000 sano ka hor. Hadii aan u gudbo faa’idada cunno dhagayaraha waxaa ku jiro protein, iron, calcium, potassium, Sodium, Vitamins: Sida A iyo C, dhagayaraha waa xanuun baabi’iya oo aad u fiican waxaana lo adeegsadaa daawaynta ilkaha iyado la adeegsanayo saliidisa waxaana ku jirta maadada la yiraahdo“eugenol oil” waxaana laga sameeyaa daawada lagu cadaysto iyo midda lagu luqluqado. Sidoo kale waxay daawo u tahay romatiisamka iyo riixada iyadoo la marsado xubnaha ku xanuunayo, hadii la qiiqsado oo biyo kulul lagu daro waxaa lagu daaweeyaa, sanboorka iyo neefta, waxay kaloo faa’ido u leedahay in bakteeriyada ay disho waxaa lagu nadiifiyaa nabraha, dhaawacyada iyo (fungus) galo faraha lugaha dhexdooda. Faa’idada kale waxaa ka mid ah in lagu...

sidee ardaygu ugu diyaar garoobi karaa imtixaanada

Sidee Ardaygu Ugu Diyaar Garoobi Karaa Uguna Guulaysan Karaa Imtixaannada? arday imtixaan diyaarinayaImtixaan waa imtixaan haddii xataa lagu waydiinayo magacagaaga. Imtixaanku wuxuu muujiyaa in aad dadaal samaysay ee aad nafta ku hawshay akhris, qoraal, fahmid, xafidid, ku celcelin, iwm. Geelaa loogu heesaa “ninba tacabkii, togaay kaa maal”. Maskaxdu waxay dhiiqdaa hadba intii hawl la galiyay. Carabtaa waxay yidhaahdaan “weel kastaa waxaa ka soo burqada waxaa gudihiisa ku jira”. Waa Maxay Ujeeddada Imtixaanka loo qaadaa? Aqoonta looma barto imtixaan, sidoo kalena imtixaan la’aan aqoontu ma xasisho. Culimada Fahamka Islaamka ayaa waxay yidhaahdaan “haddaanay jirin ‘waayo’, dameerkuba wuxuu noqon lahaa mid fahamkiisu dheer yahay oo cilmi badan”. Haddii aan imtixaan jirin lama kala sareeyeen, saaqid iyo xariifna qaamuuskaba kuma jireen. Mar waa maskax-carin, marna waa tartan, marna waa guubaabo. Hase yeeshee imtixaanku ma ujeedadada wax loo bartaa? Maya. Aqoontu maaha imtixaa...

Timiirta iyo faaidadeeda caafimaad

Timirta iyo cafimaadka ku jira a Rabbi(SWT) iyo Sunnada Nabigaba (SCW) lagu xusay. Waxaa Nabigga (SCW) laga wariyey isagoo tilmaamaya wanaaga ay timirtu leedahay in uu yidhi: “(قال رسول الله صلى الله عليه وسلم ( بيت لاتمر فيه جياع أهله ” Oo macneheedu yahay; guri aanan timir oolin waa guri reerkiisu baahanyahay. Xasiiskaa qiimaha badan waxa uu inoo sheegayaa wanaaga ay timirtu leedahay. Waa laga yaaba inataad istidhaahdid timirtu cunto maaha ee wax macaan ee waayo bay guriga ay timir oolin guri baahan u yahay? Balse waxaad fahmi doontaa wanaaga kujira marka aad akhrisatid sida hoos ku dhigan iyo waliba cudurada ay dawayso. Markaad taa fahantid adaa inshaAllah wax walba ku doorsan doona. Muhiimada Ay timirtu leedahay: Timirtu waa miro qof uu kunoolaan karo kaligood, ayadoo uu qofku kaheli karo nafaqo dhameystiran hadana isku dheelitiran. Kuwaasoo hadaadan cunin ama helin cunooyinka kale ey ku kaafin karaan. Faa’iidooyinka lagu she...