"ref_"; Skip to main content

qaab noocee ah ayaad jirkaga uladhaqantaa xiliga qurxiyo iyo nafaqaynta siiba wajiga

Sidaynu ognahay wajiga banii aadamka wuu ka jilicsan yahay jirka intiisa kale haba ugu horeeyaan dumarka, waayo wajiga wa jir markasta wax la mariyo siiba dumarka, haddaba waxaa jirta in wajigu qaato jeermiska iyo wasakh da ugu badan kuwaas oo ka soo raaca gacmaha iyo hawada
Tusaale ahaan sida caadada inoo ah Soomaalida siiba dumarku waxay ku meyrtaan wajiga saabuun ama (shower Gel) kadib qofka waxa uu u heystaa in ay intaa kaga dhamaatay meyristii wajiga haddii qofka waqtiga uu qubeysanayo uu na meyrayo jirkiisa oo dhan ee uu ka soo baxayo baafka uu sameeyo si uu u ogaado wasakhada iyo jeermis ka wajigiisa ku harsan waa in uu soo qaato suuf (cotton pads) wuxuu ku shubayaa biyo yar oo milix leh, ama liin dhanaan wuxuuna ku xoqayaa wajiga waxuu arkayaa suufkii oo noqday yeeshay midabka bunniga kana tagay cadaankii waxaasina waa (dead dirty skin cells) oo ay la socdaan wasakh iyo jeermi.
Had iyo jeer waxaa aad u haboon in marka aad wajiga taabaneyso dumar iyo rag ba marka hore waa in aad gacmaha si wanaagsan isaga meyrto oo aad qallajisaa waayo gacmaha waxaa la socda oo ay sitaan jeermiska ugu badan ee aan la qiyaasi Karin, marka waxaa caafimaad ahaan qof kasta u fiican in markasta gacmaha la hor dhaqo intaan wajiga la taaban.
Jeermis (germs) waa noola yaal cayayaan ilma aragto ah inta badana la socda wasakhda kuwaas oo haddii ay jirkaaga qabsadaan taabtaan kugu sababi kara cudurro kala duwan iyo xitaa dhalan rog ku dhaca muuqaalka maqaar kaaga wajigu na kamid yahay.
Tusaale kale oo aad u muhiim ah cilmi baaris lagu sameeyay (mobile phone) ka gacanta ayaa waxa lagu ogaaday inuu ka jeermis badan yahay jeermiska suuliga laga qaado, waayo waxaa soo raaca kuna uruura jeermis aan xad lahayn ama aan la qiyaasi karin jeermigaa oo uu ka helo gacmaha banii aadamka waxaa nasiib darro weyn ah in aad ku aragto dadka qaarkiisa soomaalida na ay ku jirto iyagoo mobile phone ka ay isticmaalaan afka galiya arrin kaas oo sabab u noqon karto in qofka sidaa sameeya ay ku dhacaan cudurro badan. waxaan inshaa allaah mid mid u kala qaadeynaa qeybaha uu ka kooban yahay jirka ama maqaarka banii aadamka si dadkeena soomaalida wax badan uga ogaadaan caafimaadka jirkooda. Waxaana maanta ka hadleynaa inshaa allaah.
1: jirka ama maqaarka iskugu jira labada nooc ee loo yaqaano(combination skin)
2: Iyo Burooyinka ku dhaca Wajiga Iyo Qoorta ee loo yaqaano (blackheads or black dots).
inshaa allaah waxaan ku hormareynaa Burooyinka waxa ay had iyo jeer ku dhacaan jirka saliida badan leh, runtii jirkan ama maqaar kan ayaa caan ku ah waxyaabo badan oo Burooyin ku ka mid yihiin inay ka soo baxaan waa haddii ay daldalooladiisu xirmaan
Burooyinkan waxa ay ku dhacaan ama ka soo baxaan.
1: sanka dushiisa,
2: dhabanada dhinacyada sare,
3: fooda,
4: qoorta
5: dhabarka.
Burooyinkan waxaa ay ka soo dhashaan halka loo yaqaano (hair follicle) oo ah meesha ay timaha xaadu ka soo baxaan, jirka ama maqaarka saliida leh ayaa sii daaya saliid iyo dhidid aad u tiro badan ka dibna jeermis noqda, kuna soo uruura meesha xaadu ka soo baxdo Intaa kadib jirka ama maqaarka hoostiisa meesha loo yaqaan (hair follicle) waa halka ay xaadu ka soo baxdo ayaa midab keedu wuxuu noqdaa madoow, muddo kaddibna waxaa dibada uga soo booda burooyin yar yar, sababta ayaana ah uskagii iyo dhididkii ku uruuray daldaloolada maqaarka oo hawada ka xirmatay.
jirkan ama maqaarka noocan ah iyo guud ahaan ba jirka saliida leh ayaa ah mid markasta u bahan nadiifin iyo qalajin loo isticmaalayo wax yaabo saliidu ku yartahay
Burooyinka noocan ayaa ah kuwo faafa jirku wuxuu intiisa kale is gaarsiiya xilliga habeenkii marka uu qofku hurdo ee uu dhidido.
marka laga soo tago daaweynta rasmiga dhibaatooyin ka uu sababo jirka noocan ah iyo guud ahaan ba jirka saliida leh waxa kaliya ee la iskaga yarayn karo ama lagaga hor tagi karo ayaa ah jirka qofka oo si rasmi ah loo nadiifiyo loona qallajiyo dadka qaar kiisa siiba dumarka ayaa isticmaalo wax yaabaha loo yaqaano(facial scrub, facial cleanser, and toner) dhamaan wax yaabahan iyo kuwo kale oo loo isticmaalo nadiifinta qurxinta jirka iyo daweyntiisa ayaa haba yaraatee jirka banii aadamka ugu jirin isticmaalkooda wax faaiido ah oo u raageysa iska daa faaiido laga helo bal waxaa ay sababaan in uu hoos u dhaco guud ahaan difaaca jirka gaar ahaan difaaca unugyada maqaarka uu leeyahay jilicsanaan saaid ah oo ku timaada maqaarka iyo cudurro kale sida kansarka maqaarka sababtoo ah qofka waxa uu had iyo goor isticmaalayaa (chemicals) kala duwan isla markaana wada socda. in qofka uu baneeyo daldaloolada jirka (pores) ee xirmay ee jeermiska jirka (dead skin cells ) ee maqaarka galay la dagaalamo waxa ay caawineysaa in qofka uu ka badbaado burooyin ka uu keensado maqaarka noocani ee (combination skin) ka loo yaqaano waxaa kale oo fiican inuu qofku gogosha uu ku seexanayo sida go’a barkimada uu iska badalo usbuucii laba jeer, waayo dhididka uu jirku sii daayo ayaa ku dhaga gogosha waxana uu qeyb weyn ka qaataa in qofka maqaarkiisa ay ku sii fidaan burooyin ka, maqaarka burooyinka leh na arrintaa uma fiicna, Nadaafada badan ee jirka iyo dharkaba waxa ay qofka ka caawisaa in uu ka guuleysto Burooyinka uu sababo maqaarka saliida leh.
Burooyinka ayaa ah kuwo si dhib yar u tagaya inshaa allaah haddii si rasmi ah loo qaato daaweynta rasmiga ee ku haboon noocyada kala duwan ee maqaarka u kala sameysan yahay barashada iyo la macaamilka jirka ayaa waxa ay leedahay muhiimad weyn oo xagga caafimaadka ah.
hadii uu jirku maqaarku yahay mid dabiici ah oo aan dhib kale gaarin sida haddii aanan loo isticmaalin wax yaabaha jirka la mariyo ee chemicals ka ka sameysan dhaawac ama cudur ku dhacayna uusan jirin jirka ama maqaarka noocaas ah waa dabiici wuxuu u baahan yahay oo kaliya nadaafad xoog leh lana joogteeyo sida meyrashada qallajinta iyo nadaafada gogosha.
haddii se jirku yahay jir wax la mariyay ama khafiifay oo burooyin ka soo baxeen, jirka dawooyin ka chemicals ka la mariyay uma adkaysan karo xitaa wax kale iska daayee nafaada caadiga ah oo la joogteeyo maxaa yeelay daawooyin ka dhamaan loo isticmaalo qurxinta jirka waxaa ku jiraan maadooyin chemicals ah kuwaas oo dila unugyada maqaarka sameeya marka haddii jirkaaga uu yahay jir chemicals lagu quudiyo isla markaana uu khafiifay marka hore waxaa haboon in aad wax kasta oo jirka la mariyo ka fogaato sababtoo ah maqaar kaaga waa uu sumeysan yahay wax kasta oo sun taas fal gal la sameyn karana waxa uu noqonayaa wax ku dhibaateeyo.
2: jirka loo yaqaano (combination skin)
jirkan ama maqaarkan ayaa ah mid inta badan dadka somalidu aysan aqoon u lahayn, waxaa kaliya oo aan garaneynaa uun
1: jirka ama maqaarka qalaylka,
2: jirka saliida badan, iyo
3: jirka wax diida,
jirkan ayaa ah mid aan dhib kiisu badneyn oo u dhow jirka caadiga ah hadii si fiican loola dhaqmo.
Jirkan ayaa ah mid had iyo jeer dhabanadu ay noqdaan sida jirka caadiga ah oo kale , ama jirka qalayl ka ah, balse fooda iyo garka waxa ay noqdaan kuwo soo saaro saliid taasoo loo yaqaano (T-zone) waa meelaha saliida soo saarto micna heeduna yahay saliida ku uruurta garka iyo fooda.
Meeshan saliidu fadhiisato oo ah garka inta ugu badan ayaa sababta inuu nooca jirkan qofka lihi uu yeesho finan ka soo baxa garka oo kaliya Jirkan ayaa u baahan daaweyn rasmi ah oo hal mar qofka noloshiisa isticmaalayo si uu jirka noocan ah u helo waxa loo yaqaano (Ph balance) muhiimada laga leeyahay daaweynta rasmiga ayaa ah in la dhaqaajiyo saliida si anay dhib kale ugu keenin wajiga qofka jirkiisu noocan yahay.
Nooca Jirkan ayaa ah mid ay isku macaamil dhawyihiin jirka saliid leh oo loo wada isticmaali karo daaweynta rasmiga ee nooca jirka saliida leh.
marka jirkan maanta aynu ka hadlayno ee ah (combination skin) ayaa ah mid gadhka iyo foodu saliid badan fariisato, sababtaa aw geedna way isku dhawyihiin jirka saliida leh.
noocyada jirka ama maqaarka caadiga ah ee uu banii aadamku leeyahay inta da’diisu yar tahay waa kuwa aan kor ku soo xusnay, jirar kale oo badan ayaa jiro kuwaas oo had iyo jeer la socdaan waqtiga iyo cimriga banii aadamka uu marayo iyo is bed bedelka ku dhaca jirka aadanaha waxaana kamida.
jirka cimiri deg deggu uu ku dhaco , xilliga gabowga xilliga xanuunka , iyo marka cadceedu jirka qofka disho ee aan la daryeelin. Jirarkan oo iyaguna runtiina ay tahay in la barto in si gaara loola dhaqmo waxaa ka mida:
1: Mature skin — oo ah jirka cimri degdegu uu ku dhaco
2: Dehydrated skin — jirka sida aadka ah u qalalay ama jirka haraadan ee ooman
3: Ageing skin — jirka marka la gaboobo
4: Congested skin — jir xumaday oo daldalooladiisuna xirmeen, finan ku sameysmeen gadhka, ama ahaan jiray markiisii hore (oily skin)
inshaa allaah xarumaha caafimaadka iyo dhaqaatiirtooda ayaa markasta diyaar idiin la ah in aad kaga bogataan luuqadda soomaaliga qodob kasta oo caafimaadka bulshada soomaalida quseeya isla markaana wax weyn ka taraya aqoonta iyo caafimaadka bulshada iyo khatarta caafimaad ee markaa soo food saarta sidoo kale xarumaha caafimaadka iyo dhaqaatiirtooda ayaa heegan buuxa waxa ay ugu jiraan sidii dadkooda soomaalida ay uga daaweyn lahaayeen cudurrada xanuunada cilladaha iyo mashaakilka kasta oo xagga caafimaadka quseeya oo ay qabaan xarumaha caafimaadka iyo dhaqaatiirtooda waxaa ka go’an sidii qof kasta oo soomaali ah uu ku heli lahaa aqoon caafimaad oo hagar la’aan ah daryeel caafimaad oo dhameystiran daaweyn iyo daawooyin rasmi ah tayadooda iyo wax tarkooda la hubo meel kasta oo ay dunida kaga noolyihiin dadka soomaalida waxa ay xarumaha caafimaadka iyo dhaqaatiirtooda u diyaariyeen daryeel caafimaad oo dhinac kasta leh sida cilmiyeynta bulshada wacyi galinta bulshada daaweynta cudurrada guud iyo kuwa gaarka ah talasiinta caawinta bulshada dhamaan intaasi iyo ka badan waxaa diyaar idiin la ah xarumaha caafimaadka iyo dhaqaatiirta ka howl gasha website yadan xarumaha caafimaadka bi idni llaah waan sii wadi doonaa qormadan ku saabsan noocyada jirka ama maqaarka banii aadamka u kala baxo iyo hababka kala duwan ee uu u dhaqmo inshaa allaah waxaana ka bixin doonnaa tafaasiil dheeraad ah si dadkeena soomaalida ay u fahmaan u ogaadaan xaalado badan oo jirkooda uu ku sugan yahay qofka soomaaliga ah na uu u noqdo qof yaqaana nooca jirkiisu uu yahay sida uu u dhaqmo iyo siduu isagu kula dhaqmi lahaa bi idni llaah.
xarumaha caafimaadka iyo dhaqaatiirta ka howl gasha ayaa markasta u taagan
daaweynta cudurada guud iyo kuwa
gaarka ah xarumaha caafimaadka dhaqaatiir tooda ba waxa ay xoogga
saaraan daaweynta iyo xal u helida cudurada bulshada soomaalida siiba
cudurada dadka soomaalida ku dhaca
kuwa ay iska dhaxlaan kuwa ay isu
gudbiyaan iyagoo u diyaariyay 


daawooyin rasmi ah tayadoodana sareyso
cudurka loogu talagaleyna si rasmi ah u daweynayaan bi idni llaah
Haddaba haddii aad tahay qof xanuun
sanaya xanuun kaaga uu yahay mid in
badan soo jiitamay isla markaana wali
aadan u helin xal daaweyn oo rasmi ah
ama ay jirto cillado xagga caafimaad ka oo kula darsay sida cilladaha xagga
taranka guud ahaan ama ay jirto
dhibaato kasta oo xagga caafimaad ka
kaa soo food saartay ama qofka xanuun
sanaya uu yahay qof ka mida ehel kaaga
asxaab taada la soo xiriir dhaqaatiirta ka howl gasha website kan dhaqaatiirta
ayaa kuu diyaarisay daaweyn rasmi ah
oo aad ku heleyso waqti kooban wax
tar koodana la hubo inshaa allaah la soo
xiriir dhaqaatiirta iyo xarumaha
caafimaadka si aad u hesho daawo rasmi ah talo iyo tusaaleyn caawimaad
inshaa allaah mahad sanidiin.

Popular posts from this blog

dhagayaraha iyo faaidadiisa

DHAGA YARE Dhagayaraha waa ubax qalalan oo ka baxo geedka loo yaqaanno “cloves” waana miro aad u leh Faa’idooyin cunno iyo caafimaadba, wadanka ugu badan dunida uu ka baxo waa Zanzibar, hindya iyo shiinaha waxay adeegsan jireen dhag yaraha 2000 sano ka hor. Hadii aan u gudbo faa’idada cunno dhagayaraha waxaa ku jiro protein, iron, calcium, potassium, Sodium, Vitamins: Sida A iyo C, dhagayaraha waa xanuun baabi’iya oo aad u fiican waxaana lo adeegsadaa daawaynta ilkaha iyado la adeegsanayo saliidisa waxaana ku jirta maadada la yiraahdo“eugenol oil” waxaana laga sameeyaa daawada lagu cadaysto iyo midda lagu luqluqado. Sidoo kale waxay daawo u tahay romatiisamka iyo riixada iyadoo la marsado xubnaha ku xanuunayo, hadii la qiiqsado oo biyo kulul lagu daro waxaa lagu daaweeyaa, sanboorka iyo neefta, waxay kaloo faa’ido u leedahay in bakteeriyada ay disho waxaa lagu nadiifiyaa nabraha, dhaawacyada iyo (fungus) galo faraha lugaha dhexdooda. Faa’idada kale waxaa ka mid ah in lagu

sharqanta caloosha

ption Shanqarta caloosha laga maqlo waa dabiici, waxaana la maqlaa markii murqaha mindhicirrada ku hareeraysan ay faarujinayaan waxa ku jiro mindhicirka. Badanaa codka ama shanqarta waxaa la maqlaa markii biyo ama hawo badan mindhicirku ku dhex jiraan. Shanqarta caloosha oo la maqlin waxay astaan u tahay qabsin ama mindhicirrada oo xirmo, waxayna dhakhaatiirta badanaa shanqarta ka dhagaystaan caloosha qeybta midig ee hoose si loo ogaado in mindhicirradu furan yihiin. Laakiin su'aashu waxay tahay maxaa keeno shanqarta caloosha ee badan? Haddii dareeruhu ay caloosha iyo mindhicirradu ku bataan ama hawo badan ku aruurto, waxay keentaa shanqar siyaado ah, taasoo ay maqli karaan dadka ku agfadhiyo. Waxay kaloo ku xiran tahay cunnooyinka qofka uu cunay sida cunnada kulul sida basbaaska, toonta, sanjabiilka, basasha iyo cunnada badan oo u baahan in caloosha ay soo dayso dheecaanno badan oo cunnadaas burburiyo. Maxay tahay cudurrada lagu yaqaano shanqarta badan ee caloosha? Shubanka

sabuulka ama galayda maxaa kala socotaa faaidadiisa ama khasaarihiisa

SABUUL GALEEY Sabuul galeey waxa uu kamid yahay waxyaabaha lagu tiriyo qudrada aad iyo aadka u faaido badanthay, waxana loo diyaariyaa sida dubis, huuris iyo daango. Dubis: waaa adigo ku dubo dab dhuxul ama olol. Huuriska: waa adigo ku kariya biyo isagoo sidiisa ah. Daango: waa adigo ku duba dufan sida saliid oo kale.  Sabuulka waxaa laga isticmaalaa caalamka oo idil cunidiisa waxa uu kordhiyaa awooda jirka ama adkaysi uu ka helo qofka, waxana ku jira in badan oo buusho ah taaso loo yaqaano (fibers) oo ka ilaalisa qabsan xanuunka. Sabuulka galay waxa uu dawo u yahay, kilyaha, kaadi haysta iyo kansarka, waxa kale uu hoos u dhigaa cudurka baabasiirka, sabuulka waxaa loo qaataa dheefshiid xumida waxaana ku jira waxyaabaha aadka ugu baahan jirka. Sida: > Niacin and Thiamine oo Vitaminada la’aantoda shaqo samayn Karin, sido kale firfirconi geliso maskaxda iyo neerfaha si dhiiga ugu cusbonaysiyaan. Vitaminda ku jira waxa ka mid ah Vit B, E, A. sido kale macaadinta waxa ka mi