"ref_"; Skip to main content

Daawooyinka laysku cadeeyo iyo noocyadooda iyo halista noockastahalkaan la akhriso

Daawooyinka loo isticmaalo in la isku caddeeyo maahan wax caafimaadka u roon inkastoo ay sii kala daranyihiin oo ay jiraan qaar halis ah oo keeno kansarka maqaarka iyo dhibaatooyin kalaba.

Daawooyinka la isku caddeeyo waa dhowr nuuc wayna kala daran yihiin:
1- Nuuc lagu daray daawada loo yaqaano "Steroid-ka"waa daawo lagu daaweeyo xanuuno badan oo jirka ku dhaca, waxaana laga qaataa qiyaas loogu talagalay, qofkane joogto looma siiyo maadaama ay waxyeello jirka u gaysato, laakiin daawooyinka la isku caddeeyo waxaa lagu soo daraa qiyaas aad u badan oo daawadaan ah iyadoo halis galinayso qofka caafimaadkiisa, warbixin ku
2- Nuuc ka samaysan waxyaabo yareeya midabka maqaarka ee loo yaqaano "Melanin" waxyaabahaas oo qaarkood mamnuuc ka ahd dunida oo aan lagu soo dari karin laakiin shirkadaha qaar way ku soo qariyaan, waxaana ka mid ah maadada loo yaqaano "Mercury" oo sun ah haddii jirka u gudubto waxayna keentaa Kansarka maqaarka, halkaan ka akhriso kareem ay soomaalida isticmaasho oo horay looga digay markii lagu arkay maadadaan:

Ma jiro kareem ka samaysan fitamiino ama qudaar ama wax dabiici ah oo maqaarka badali karo, dad ayaa si qaldan u aaminsan in wixii ku qoranba geed-daaweed ama dabiici in ay sax tahay in la marsado, iska ilaali waa istraatiijiyo ay shirkada qaarkood u adeegsadaan suuq-geynta daawooyinkooda.

Dhibaatooyinka ugu caansan ay daawooyinkaan keenaan waxaa ka mid ah:
  • Maqaarka oo midabka ka guuro oo u soo laaban waayo.
  • In maqaarka uu khafiif noqdo oo halis ugu jiro dhaawac kasta oo fudud inuu u adkaysan kari waayo, markuu dhaawac gaarane uusan bogsoonin ama haar yeesho oo aan fuqaynin.
  • Midabka maqaarka oo kala duwan, jirka midabkiisa oo aanan isku ekeyn maadaama daawada la mariyay ay si isku mid ah u badalin midabka.
  • Maqaarka oo gaduuto ama nabro yeesho ama markii cadceedda ku dhacdo huro, kadibne yeesho nabro isku badali karo kansar.
  • Cuncun siyaado ah oo aadan xoqi karin haddii kale maqaarka fiiqmo.
  • Jirka oo xasaasiyad ka qaado daawada la mariyay, wuxuuna billaabaa barar iyo hur, kaasoo halis galin kara maqaarka oo idil, waana dhibaatada ugu badan ee isku arkaan dadka isticmaalo.

Daawooyinka la isku caddeeyo qaabka ay u shaqaynayso waa qaab ay ku yarayneyso ama u baabi'neyso midabka Melanin ee ku jira unguyada maqaarka iyadoo is baddal ku samaynayso taasoo caafimaad ahaan halis ah maxaa yeelay unugga markii la badalo waxaa yaraanayso dulqaadkiisa u leeyahay waxyaabaha ku hareyreysan jirka sida: kuleelka, qabowga, dhididka, caabuqa iyo waxyaabo kale.

Boqolkiiba 90% kiimikooyinka la isku caddeeyo in ay ku jiraan labo maaddo oo aad halis ah oo ka mamnuuc ah wadamada qaar, maadooyinkaas oo kala ah: Mercurous chloride iyo Hydroquinone.

Badanaa daawooyinka la isku caddeeyo ee laga helo soomaaliya iyo dunida sadaxaadne waa kuwa noocaan ah.

Talo ku socoto haweenka:
Ilaahay ha looga cabsado maqaarka aad hugan tihiin, isagaa idin siiyay idinkana xisaabtami doono, ha qaadanin go'aan aad ka shalaayi doontid mustaqbalka.
Diraasad la sameeyay waxaa lagu ogaaday boqolkiiba 80% dadka isticmaalay daawooyinka la isku caddeeyo in ay ka shallaayeen waqti dambe, taasoo ka noqosho lahayn.
Ilaahaygii kuu hibeeyay oo ku siiyay midabka aad ku dhalatay, ku mahadi oo ku dadaal ilaalinta iyo nafaqaynta maqaarkaas, ka fogow wixii caafimaadkaaga iyo muuqaalkaagaba halis galin doono mustaqbalka.
Caqli yeelo ee ha ku dhicin dabinka shirkadaha ka macaasho kareemyadaas, Babay-ga ama Qajaarka laguugu soo sawiray kareemka dushiisa si laguu siro, maad isticmaashid iyagoo dabiici ah haddii dabiici jaceel kaa tahay.
Waxaan la kulmay gabdho badan iyo haween qarash ku bixinaya sidii ay isaga daaweyn lahaayeen dhibka ka soo gaaray daawooyinkaas.

Fadlan haddii cillad maqaar qabtid, kala xiriir dhakhtar isagaa kaala talin doono, haddii ay jirto su'aalo ama faahfaahin ku saabsan qoraalkaan waad na soo waydiin kartaan.

Caafimaad baan idiin rajaynayaa.

Popular posts from this blog

dhagayaraha iyo faaidadiisa

DHAGA YARE Dhagayaraha waa ubax qalalan oo ka baxo geedka loo yaqaanno “cloves” waana miro aad u leh Faa’idooyin cunno iyo caafimaadba, wadanka ugu badan dunida uu ka baxo waa Zanzibar, hindya iyo shiinaha waxay adeegsan jireen dhag yaraha 2000 sano ka hor. Hadii aan u gudbo faa’idada cunno dhagayaraha waxaa ku jiro protein, iron, calcium, potassium, Sodium, Vitamins: Sida A iyo C, dhagayaraha waa xanuun baabi’iya oo aad u fiican waxaana lo adeegsadaa daawaynta ilkaha iyado la adeegsanayo saliidisa waxaana ku jirta maadada la yiraahdo“eugenol oil” waxaana laga sameeyaa daawada lagu cadaysto iyo midda lagu luqluqado. Sidoo kale waxay daawo u tahay romatiisamka iyo riixada iyadoo la marsado xubnaha ku xanuunayo, hadii la qiiqsado oo biyo kulul lagu daro waxaa lagu daaweeyaa, sanboorka iyo neefta, waxay kaloo faa’ido u leedahay in bakteeriyada ay disho waxaa lagu nadiifiyaa nabraha, dhaawacyada iyo (fungus) galo faraha lugaha dhexdooda. Faa’idada kale waxaa ka mid ah in lagu...

qaab noocee ah ayaad jirkaga uladhaqantaa xiliga qurxiyo iyo nafaqaynta siiba wajiga

Sidaynu ognahay wajiga banii aadamka wuu ka jilicsan yahay jirka intiisa kale haba ugu horeeyaan dumarka, waayo wajiga wa jir markasta wax la mariyo siiba dumarka, haddaba waxaa jirta in wajigu qaato jeermiska iyo wasakh da ugu badan kuwaas oo ka soo raaca gacmaha iyo hawada Tusaale ahaan sida caadada inoo ah Soomaalida siiba dumarku waxay ku meyrtaan wajiga saabuun ama (shower Gel) kadib qofka waxa uu u heystaa in ay intaa kaga dhamaatay meyristii wajiga haddii qofka waqtiga uu qubeysanayo uu na meyrayo jirkiisa oo dhan ee uu ka soo baxayo baafka uu sameeyo si uu u ogaado wasakhada iyo jeermis ka wajigiisa ku harsan waa in uu soo qaato suuf (cotton pads) wuxuu ku shubayaa biyo yar oo milix leh, ama liin dhanaan wuxuuna ku xoqayaa wajiga waxuu arkayaa suufkii oo noqday yeeshay midabka bunniga kana tagay cadaankii waxaasina waa (dead dirty skin cells) oo ay la socdaan wasakh iyo jeermi. Had iyo jeer waxaa aad u haboon in marka aad wajiga taabaneyso dumar iyo rag ba marka hore waa in aa...

TOP 2 LEGIT & PROVEN WAYS TO MAKE MONEY ONLINE NOW & FOREVER

TOP 2 LEGIT & PROVEN WAYS TO MAKE MONEY ONLINE NOW & FOREVER I’m going to show the best ways to earn money online that I’ve tried and earned money from, these business ideas are a perfect fit for anybody whether you’re a college student, a housewife, or a regular employee. Also, the sky is the only limit when it comes to your earning’s potential. You have to only dedicate some consistent work and patience, which is the key for every successful online business, and you’ll see good results. If you have a laptop and an internet connection, then you’re very eligible to make money online! 1-AFFILIATE MARKETING Affiliate Marketing is simply promoting other people’s products and services and earning commissions whenever someone signs up or buys the product/service. You can literally make unlimited revenue through affiliate marketing depending on your marketing skills and your blog’s traffic. You can for example write some tutorials or comparison guides and link to your affilia...