"ref_"; Skip to main content

Daawooyinka laysku cadeeyo iyo noocyadooda iyo halista noockastahalkaan la akhriso

Daawooyinka loo isticmaalo in la isku caddeeyo maahan wax caafimaadka u roon inkastoo ay sii kala daranyihiin oo ay jiraan qaar halis ah oo keeno kansarka maqaarka iyo dhibaatooyin kalaba.

Daawooyinka la isku caddeeyo waa dhowr nuuc wayna kala daran yihiin:
1- Nuuc lagu daray daawada loo yaqaano "Steroid-ka"waa daawo lagu daaweeyo xanuuno badan oo jirka ku dhaca, waxaana laga qaataa qiyaas loogu talagalay, qofkane joogto looma siiyo maadaama ay waxyeello jirka u gaysato, laakiin daawooyinka la isku caddeeyo waxaa lagu soo daraa qiyaas aad u badan oo daawadaan ah iyadoo halis galinayso qofka caafimaadkiisa, warbixin ku
2- Nuuc ka samaysan waxyaabo yareeya midabka maqaarka ee loo yaqaano "Melanin" waxyaabahaas oo qaarkood mamnuuc ka ahd dunida oo aan lagu soo dari karin laakiin shirkadaha qaar way ku soo qariyaan, waxaana ka mid ah maadada loo yaqaano "Mercury" oo sun ah haddii jirka u gudubto waxayna keentaa Kansarka maqaarka, halkaan ka akhriso kareem ay soomaalida isticmaasho oo horay looga digay markii lagu arkay maadadaan:

Ma jiro kareem ka samaysan fitamiino ama qudaar ama wax dabiici ah oo maqaarka badali karo, dad ayaa si qaldan u aaminsan in wixii ku qoranba geed-daaweed ama dabiici in ay sax tahay in la marsado, iska ilaali waa istraatiijiyo ay shirkada qaarkood u adeegsadaan suuq-geynta daawooyinkooda.

Dhibaatooyinka ugu caansan ay daawooyinkaan keenaan waxaa ka mid ah:
  • Maqaarka oo midabka ka guuro oo u soo laaban waayo.
  • In maqaarka uu khafiif noqdo oo halis ugu jiro dhaawac kasta oo fudud inuu u adkaysan kari waayo, markuu dhaawac gaarane uusan bogsoonin ama haar yeesho oo aan fuqaynin.
  • Midabka maqaarka oo kala duwan, jirka midabkiisa oo aanan isku ekeyn maadaama daawada la mariyay ay si isku mid ah u badalin midabka.
  • Maqaarka oo gaduuto ama nabro yeesho ama markii cadceedda ku dhacdo huro, kadibne yeesho nabro isku badali karo kansar.
  • Cuncun siyaado ah oo aadan xoqi karin haddii kale maqaarka fiiqmo.
  • Jirka oo xasaasiyad ka qaado daawada la mariyay, wuxuuna billaabaa barar iyo hur, kaasoo halis galin kara maqaarka oo idil, waana dhibaatada ugu badan ee isku arkaan dadka isticmaalo.

Daawooyinka la isku caddeeyo qaabka ay u shaqaynayso waa qaab ay ku yarayneyso ama u baabi'neyso midabka Melanin ee ku jira unguyada maqaarka iyadoo is baddal ku samaynayso taasoo caafimaad ahaan halis ah maxaa yeelay unugga markii la badalo waxaa yaraanayso dulqaadkiisa u leeyahay waxyaabaha ku hareyreysan jirka sida: kuleelka, qabowga, dhididka, caabuqa iyo waxyaabo kale.

Boqolkiiba 90% kiimikooyinka la isku caddeeyo in ay ku jiraan labo maaddo oo aad halis ah oo ka mamnuuc ah wadamada qaar, maadooyinkaas oo kala ah: Mercurous chloride iyo Hydroquinone.

Badanaa daawooyinka la isku caddeeyo ee laga helo soomaaliya iyo dunida sadaxaadne waa kuwa noocaan ah.

Talo ku socoto haweenka:
Ilaahay ha looga cabsado maqaarka aad hugan tihiin, isagaa idin siiyay idinkana xisaabtami doono, ha qaadanin go'aan aad ka shalaayi doontid mustaqbalka.
Diraasad la sameeyay waxaa lagu ogaaday boqolkiiba 80% dadka isticmaalay daawooyinka la isku caddeeyo in ay ka shallaayeen waqti dambe, taasoo ka noqosho lahayn.
Ilaahaygii kuu hibeeyay oo ku siiyay midabka aad ku dhalatay, ku mahadi oo ku dadaal ilaalinta iyo nafaqaynta maqaarkaas, ka fogow wixii caafimaadkaaga iyo muuqaalkaagaba halis galin doono mustaqbalka.
Caqli yeelo ee ha ku dhicin dabinka shirkadaha ka macaasho kareemyadaas, Babay-ga ama Qajaarka laguugu soo sawiray kareemka dushiisa si laguu siro, maad isticmaashid iyagoo dabiici ah haddii dabiici jaceel kaa tahay.
Waxaan la kulmay gabdho badan iyo haween qarash ku bixinaya sidii ay isaga daaweyn lahaayeen dhibka ka soo gaaray daawooyinkaas.

Fadlan haddii cillad maqaar qabtid, kala xiriir dhakhtar isagaa kaala talin doono, haddii ay jirto su'aalo ama faahfaahin ku saabsan qoraalkaan waad na soo waydiin kartaan.

Caafimaad baan idiin rajaynayaa.

Popular posts from this blog

dhagayaraha iyo faaidadiisa

DHAGA YARE Dhagayaraha waa ubax qalalan oo ka baxo geedka loo yaqaanno “cloves” waana miro aad u leh Faa’idooyin cunno iyo caafimaadba, wadanka ugu badan dunida uu ka baxo waa Zanzibar, hindya iyo shiinaha waxay adeegsan jireen dhag yaraha 2000 sano ka hor. Hadii aan u gudbo faa’idada cunno dhagayaraha waxaa ku jiro protein, iron, calcium, potassium, Sodium, Vitamins: Sida A iyo C, dhagayaraha waa xanuun baabi’iya oo aad u fiican waxaana lo adeegsadaa daawaynta ilkaha iyado la adeegsanayo saliidisa waxaana ku jirta maadada la yiraahdo“eugenol oil” waxaana laga sameeyaa daawada lagu cadaysto iyo midda lagu luqluqado. Sidoo kale waxay daawo u tahay romatiisamka iyo riixada iyadoo la marsado xubnaha ku xanuunayo, hadii la qiiqsado oo biyo kulul lagu daro waxaa lagu daaweeyaa, sanboorka iyo neefta, waxay kaloo faa’ido u leedahay in bakteeriyada ay disho waxaa lagu nadiifiyaa nabraha, dhaawacyada iyo (fungus) galo faraha lugaha dhexdooda. Faa’idada kale waxaa ka mid ah in lagu

sharqanta caloosha

ption Shanqarta caloosha laga maqlo waa dabiici, waxaana la maqlaa markii murqaha mindhicirrada ku hareeraysan ay faarujinayaan waxa ku jiro mindhicirka. Badanaa codka ama shanqarta waxaa la maqlaa markii biyo ama hawo badan mindhicirku ku dhex jiraan. Shanqarta caloosha oo la maqlin waxay astaan u tahay qabsin ama mindhicirrada oo xirmo, waxayna dhakhaatiirta badanaa shanqarta ka dhagaystaan caloosha qeybta midig ee hoose si loo ogaado in mindhicirradu furan yihiin. Laakiin su'aashu waxay tahay maxaa keeno shanqarta caloosha ee badan? Haddii dareeruhu ay caloosha iyo mindhicirradu ku bataan ama hawo badan ku aruurto, waxay keentaa shanqar siyaado ah, taasoo ay maqli karaan dadka ku agfadhiyo. Waxay kaloo ku xiran tahay cunnooyinka qofka uu cunay sida cunnada kulul sida basbaaska, toonta, sanjabiilka, basasha iyo cunnada badan oo u baahan in caloosha ay soo dayso dheecaanno badan oo cunnadaas burburiyo. Maxay tahay cudurrada lagu yaqaano shanqarta badan ee caloosha? Shubanka

sabuulka ama galayda maxaa kala socotaa faaidadiisa ama khasaarihiisa

SABUUL GALEEY Sabuul galeey waxa uu kamid yahay waxyaabaha lagu tiriyo qudrada aad iyo aadka u faaido badanthay, waxana loo diyaariyaa sida dubis, huuris iyo daango. Dubis: waaa adigo ku dubo dab dhuxul ama olol. Huuriska: waa adigo ku kariya biyo isagoo sidiisa ah. Daango: waa adigo ku duba dufan sida saliid oo kale.  Sabuulka waxaa laga isticmaalaa caalamka oo idil cunidiisa waxa uu kordhiyaa awooda jirka ama adkaysi uu ka helo qofka, waxana ku jira in badan oo buusho ah taaso loo yaqaano (fibers) oo ka ilaalisa qabsan xanuunka. Sabuulka galay waxa uu dawo u yahay, kilyaha, kaadi haysta iyo kansarka, waxa kale uu hoos u dhigaa cudurka baabasiirka, sabuulka waxaa loo qaataa dheefshiid xumida waxaana ku jira waxyaabaha aadka ugu baahan jirka. Sida: > Niacin and Thiamine oo Vitaminada la’aantoda shaqo samayn Karin, sido kale firfirconi geliso maskaxda iyo neerfaha si dhiiga ugu cusbonaysiyaan. Vitaminda ku jira waxa ka mid ah Vit B, E, A. sido kale macaadinta waxa ka mi